Dagaal si toos ah ugu socda Duleedka Kismaayo.

Dagaal si toos ah ugu socda Duleedka Kismaayo.

Kismaayo: (khaatustate Press.)Dagaal ayaa la sheegayaa in uu si toos ah kaga socda duleedka Magaalada Kismaayo, iyadoo la sheegay in dhaawacyo badan oo Shabaab la gaarsiiyay Xarumaha Caafimaad ee Kismaayo. 

Dagaalkaani oo ahaa mid aad u culus islamarkaana qaatay saacado badan ayaa waxa uu si toos ah kaga soconayaa deegaanka lagu magacaabo Tangaroon oo dhowr KM u jira Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada hoose. 

Dagaalka ayaa waxa uu u dhaxeeyaa Ciidamada Dowladda KMG Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa Kenya iyo Xarakada Al Shabaab, waxaana lagu soo waramayaa in dagaalkaasi uu gaystay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dhinacyadii dagaalamay. 

Dad ku sugan Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose oo aan qadka Taleefonka kula xiriirnay ayaa waxa ay u sheegeen Idaacadda Shabelle in dhaawacyo badan oo Al Shabaab ah la gaarsiiyey Isbitaalka ku yaalla Magaalada Kismaayo, islamarkaana Shabaabku ay hakad galiyeen qeybo ka mid ah isu socodka gaadiidka ee Magaalada Kismaayo. 

Macadda qasaaraha dhabta ah ee soo gaaray dhinacyadaasi, waxaana wali Madaafiic iyo rasaas ay ka socotaa deegaanka Tangaroon ee duleedka Magaalada Kismaayo, iyadoo xiriiro aanu la sameynay Saraakiisha Ciidamada Dowladda aan ku haleeli weynay qadka Taleefonka. 

Dagaalkaani ayaa waxa uu imanaayaa xilli muddooyinkii dambe Ciidamada huwanta ah ay duulaan ku qaadayeen deegaannada ay Al Shabaab kaga sugan yihiin Jubbada hoose, iyadoo Saraakiisha Dowladda ay wacad ku mareen inay ka go’an tahay inay la wareegaan Magaalada Kismaayo oo ah meel muhiim u ah Ururka Al Shabaab.

Advertisements

About khaatumosate

im somalia jornalis
This entry was posted in Uncategorized. Bookmark the permalink.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s